Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya Macharia Kamau ayaa sheegay in Qaramadda Midoobay ay 10% kaalmadda ban iidanimo siiyo Al-shabaab si ay ugu damaanad qaadan nabad geliyo marka meelaha ay heystaan Al-shabaab gargaarka la geeynayo.

Kamau ayaa mid dhaqankeeda lid ku ah ku tilmaamay  qaraar khamiistii lasoo dhaafay kasoo baxay Qaramadda Midoobay oo ku saabsanaa maalgelinta Argaxisadda, kaasi oo Heey’addu ay ku sheegtay in lala xisaabtamo kuwa argagixisadda maalgeliya.

Wargeyska the standard ee Kenya kasoo baxa ayaa waxaa uu kasoo xigtay Xoghayaha Arrimaha Dibadda in kaalmadda Soomaaliya lasiiyo Sanadkii oo dhan 120 billion oo shilling-ka Kenya ah ay Al-shabaab ka helaan 12 billion oo Shilling-ka Kenyan ah.

Hadalka Masuulka Kenya u hadlay ayaa waxaa uu kusoo aadayaa kadib markii Golaha Amaanka ee Qaramadda Midoobay uu mel mariyay in dalalka xubnaha ka ah Jamciyadda Dowladaha ay fuliyaan sharciyadda ka dhan ka ah maalgelinta argagixisadda.

Hadalkaan ayaa waxaa uu keeni karaa jawaab celin adag oo ka timaada Qaramadda Midoobay, Xilli Kenya ay tahay wadanka ay sida ugu daran u saameeysay Xasilooni daradda Soomaaliya.

“Qaramadda Midoobay waa in ay joojisaa Habdhaqanka ah lidka ah ee aan la aqbalikarin ee Heey’addu ku maalgelineeyso argagixisadda iyadoo laaluush siineeysa argagixisadda si ay gargaarka marin u siiyaan”.

Dowladda Kenya waa dalkii ugu horreeyay ee uu kasoo baxo war Qaramadda midoobay ku eedeeynaya in ay maalgeliso Al-shabaab.