MUQDISHO-AYAAMAHA-Way iska caddeyd in Joe Biden, oo aad daciif u ahaa markii uu galayay doorashooyinkii musharraxnimada ee xisbigiisa dhexdiisa, uu awood ku yeelan doono guuldarrooyinka Trump, sidaasna uu fursad ugu heli karo in uu ku guuleysto xilka madaxweynaha.

Wariye katirsan BBC oo lagu magacaabo Nick Bryant, wakiil wareedna ka magaalada New York, ayaa falladan ka diyaariyay sida uu musharraxa doorashada madaxweynaha ee xisbiga Dimuqraaddiga uga faa’iideysanayo khaladaadka uu sameynayo madaxweyne Trump.

Saaxiibtinnimada uu Biden ka sameysanayay dadka shacabka ah dhoollacaddeyntiisa ayaa taageero badan usoo jiiday.

Xisbigiisa dhexdiisa awood ugama uusan lahayn sidii ay taageerada u heysatay Hillary Clinton, haddana sidaasoo ay tahay ma uusan rajo dhigin.

Xitaa marka uu dadweynaha la hadlayo, 77 jirkan hadalladiisu ma ahayn kuwo soo jiidasho leh, oo shacabka ku dhiirrigalinaya inay si xad-dhaaf ah u taageeraan.

Doorashooyinkii ugu horreeyay ee xisbiga dhexdiisa ah, Biden uma aysan wanaagsaneyn

30 sano oo aan tabinayay siyaasadda Mareykanka, Biden waa siyaasigii ugu tabarta yaraa ee aan abid ako, oo xitaa ka daran musharraxii 2016-kii taagnaa ee Jeb Bush. Ninkaas oo ahaa Barasaabkii hore ee Florida wuxuu ugu yaraan dhammeystiri karay jumlad hadal ah, xitaa haddii aysan cidna u sacbineynin marka uu afkiisa ka dhammeeyo.

Qeybihii ugu horreeyay ee isreebreebka doorashadii xisbiga Dimuqraaddiga dhexdiisa, Biden wuxuu u muuqday mid aan heli doonin tiradii loo baahnaa, waxaana jiray musharraxiin kale oo ka horreeyay.

Balse wuxuu guulo waaweyn ka gaaray isu soo baxyadii codeynta ee dhacay maalintii loo yaqaannay “Super Tuesday”.

Dadka falanqeynayay siyaasadda iyo wararkii tartanka musharraxiinta ayaa aad ula yaabay isbaddalkii lama filaanka ahaa horseeday in uu hanto kalsoonida xisbigiisa.

Hase yeeshee, taageeradii ugu horreysay ee la isku halleyn karo waxay u billaabatay markii uu soo ifbaxay cudurka Covid-19, xayiraddana lasoo rogay.

Mid ka mid ah eedeymaha ugu waaweyn ee lagu dhaleeceyn jiray, sharaftiisana lagu waxyeelleyn jiray waxay ahayd inuu dumarka xaggooda u janjeero ama uu mar walba jecel yahay inuu ku xadgudbo.

Laakiin markii amar lagu soo saaray in dadka ay kala fogaadaan, si cudurka faafitaankiisa looga hortago, Biden wuxuu si toos ah uga badbaaday inuu mar kale dumarka si toos ah u taabto.