Muqdisho-Ayaamaha-Ugu yarana 17 qof ayaa ku dhimatay, 28 kalena way ku dhaawacmeen qarax xooggan oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo lagu dhuftay meel u dhow hoteelka Afrik ee ku yaalla agagaarka KM4.

Goobjoogeyaal ayaa waxa ay sheegeen in awoodda qaraxa dartiis ay dhulka ku dhaceen islamarkaana qaraxa uu waxyeeleeyey dhismooyin ka agdhow halka uu ka dhacay.

“kama fogeyn halka qaraxa uu ka dhacay, waxaana arkay meydad badan oo dhulka yaal” waxaa sidaas AFP u sheegay goobjooge lagu magacaabo Cabdikariim Maxamed.

Qaraxan ayaa noqonaya kii ugu cuslaa ee magaalada ka dhaca toddobaadyadii dhowaa, ayada oo ay muuqatay inay yaareedaan qaraxyada waa weyn ee magaalada ka dhaca ee dadka badan ay ku dhintaan.