Khasaaro ka dhashay hoobiyeyaal ku dhacay Xaafadaha qaar Muqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho ayaa laga maqlay jugta tiro madaafiic ah oo kusoo dhacay agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya oo ay degan yihiin Madaxda ugu sar3eysa dalka.

Ilaa 7 madfac ayaa la sheegay in jugtooda la maqlay, kuwaas oo ku dhacay meelo kamid ah Madaxtooyada, Xaafada Ex Fiyoore iyo meelo kale, waxaana ka dhashay khasaaro dhaawac ah.

Mid kamid ah hoobiyeyaasha ayaa ku dhacay Iskuul arday wax kubaranayeen oo ku yaalla agagaarka xarunta maamulka degmada xamar weyne.

Haweeneey cunto ku iibineysay gudaha iskuulka ayaa la sheegay in ay ku dhaawacantay,iyadoo iskuulka waxbarashadeedii ay istaagtay.

Sidookale qaar kamid ah hoobiyaasha ayaa ku dhacay xaafad ay dagan yihiin dad barakacayaal ah waxaan ku dhaawacmay dad badan oo ay kamid yihiin caruur umul kujiray oo labo bilaad dhalanaa.

Ciidamada amniga ayaa waxay baaritaano ka wadaan goob loo maleeyey in al shabaab madaafiicda kasoo tuureen.