khasaaro ka dhashay qarax lala eegtay ciidamo Itoobiyaan ah.

BELEDWEYNE-AYAAMAHA-Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax miino nooca dhulka lagu aaso ah ee laga hago Remote Control-ka oo dhacay duleedka Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in Qaraxa lala eegtay gaari Soomaalida u taqaano Uuraal oo saarnaayeen Ciidamo Milateri ah oo ka tirsan kuwa Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM, waxaana qaraxu ku qabsaday halka loo yaqaano buurta qowlo oo ku dhow Beledweyne.

 Khasaaro kala duwan ayaa ka dhashay qaraxan oo  kasoo gaaray Ciidanka Itoobiyaanka ahaa qaraxii gaarigooda lala beegsaday, waxaana xusid mudan in qaraxa kadib ay Ciidanka fureen rasaas farabadan.

Ciidanka la qaraxiyey ayaa kusii jeeday Saldhig Ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin halka loo yaqaan Jante Kuundishe ee Gobolka Hiiraan, iyadoona Mas’uuliyada qaraxas dhacay ay sheegteen Al-shabaab.

Si kastaba Al-shabaab ayaa marar kala duwan sidaan oo kale qaraxyo miino ula eegtay gaadiid ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan AMISOM gaar ahaan kuwa Itoobiya, waxaana dhinacyada dhexmaray dagaalo geystay khasaaro.