Dhuusamareeb-Ayaamaha-khasaaraho ayaa ka dhashay qarax Bam Gacmeed ahaa kaas oo manta ka dhacay bartamaha magaalada Dhuusa-Mareeb ee caasimadda maamulka Galmudug.

Ilaa Saddex ruux ayaa la xaqiijiyey inay ku dhaawacmeen qaraxan bam gacmeedka ahaa.

Meesha qaraxa ka dhacay ayaa aheyd goob ay dadka isugu yimaadaan oo ku dhow Maxkamadda Magaalada Dhuusamareeb.

Dhinaca kalana ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa goobta gaaray iyaga oo kala ceyriyay dadkii rayidka ahaa ee kusoo xoomay goobta qaraxu uu ka dhacay,waxaana ay daqiiqado kooban xireen isku socodka dadka iyo gaadiidka halkaasi mari jiray.

Xaaladda ayaa haatan ah mid degan mana jirto cid loosoo qabtay qaraxaas Bam Gacmeedka ahaa ee la sheegay in lagu tuuray goob Qaadka lagu Iibiyo oo ku taalla bartamaha magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Gamudug.