Buulo-burte-Ayaamaha-Ciidamo ka tirsan kuwa amniga Buulo-burte ayaa waxaa lagu soo waramayaa inay rasaas ku fureen dadkii banaanbaxa dhigayay, kaasi oo ay uga soo horjeedan Safar Maanta lagu wado inuu halkaas ku gaaro Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle.

Dibadbaxyaasha ayaa waxaa ay  sheegay in rasaasta ay fureen Ciidanka uu ku dhintay hal ruux oo shacab ah, halka qof kalena uu dhaawac soo gaaray, kaasi oo la dhigay Isbitaalka degmada.

Dadka kunool Degmada Buulo-burte ayaa ka soo horjeestay Maamul Cusub oo dhawaan Degmadaas u Magacaabay Wasiir Maxamed Cali Caadle, iyadona xalay uu magacaabay Duqa Cusub ee Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan.

Weli waxaa kacsanaan xaalada Degmada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan, lamana oga meesha ay ku dambeyn doonta, waxaana shacabka dalbanayaa in dib loola noqdo maamulka cusub ee dhowaan lasoo magacaabay.