MUQDISHO-AYAAMAHA-Qaraxa oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa Ciidanka AMISOM xili ay socdaal ku marayeen wadada laamiga ah ee deegaanka Ceelasha biyaha uu ka qabsaday gaari, waxaana qaraxaas ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ugu yaraan Afar Askari oo ka tirsan Ciidanka AMISOM ayaa ku geeriyooday qaraxaas oo qabsaday gaari Booyad ah oo wateen Ciidamada, sidoo kalena dhaawacyo ay soo saareen Askar kale.

War qoraal ah oo lagu faafiyay baraha Internet-ka Al-shabaab ayaa ku sheegeen in qaraxii ka dhacay deegaanka Ceelasha biyaha ay ku dileen Afar Askari, sidoo kalena uu gubtay gaari booyad ah.

Al-shabaab ayaa dhowr qaraxyo miinooyin ah Ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM kula eegtay deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho, waxaana qaraxyadaas inta badan ka dhashay Khasaarooyin kala duwan.