MUQDISHO-AYAAMAHA-Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay gaari dad ku jiiray isgoyska Howl wadaag ee Muqdisho.

Gaariga oo ahaa mid Xamuul ah waxa uu dar-daray Mooto Bajaajyo iyo dad shacab ah oo halkaas ku sugnaa.

Wararku waxaa ay sjeegayaan in ugu yaraan 13 ay ku dhinteen Shilka iyo dhaawac intaas ka bdan.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka gobolka Banaadir oo uu kamid yahay Guddoomiyaha degmada Howlwadaag ayaa gaaray goobta, iyaga oo gurmad u sameeyay dadkii ku waxyeeloobay shilkaas.

Guddoomiyaha Maamulka Degmada Howlwadaag Mustaf Cali Kheyre ayaa faah faahin Guud waxaa uu ka bixiyay shilkaais gaari iyo sida ay ka yeelanayaan waxyeelada ka dhalatay.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in daraawalka gaari waday uu celin waayey gaariga oo fariinka goystay, waxaa uu sheegay in daraawalkii gaari waday dhaawac culus  soo gaartay.

Waxaa kaloo uu sheegay in weli aan cadeen tirada dhaawac ah ee lageeyey goobta caafimaadka haseyeeshee ay ka warsugayaan bahda caafimaadka.