Muqdisho-Ayaamaha-Ra’iisul Wasaaraha oo safar dhinaca dhulka ah uga soo ambabaxay degmada Cabudwaaq ayaa waxaa uu soo maray deegaanada Huurshe iyo xeraale ee Gobolka Galgaduud,waxaana dadka deegaanka Xeraale ay ku wareejiyeen Gaadiid dagaal iyo maleeshiyaad,kuwaas oo uu sheegay inay ka mid noqon doonaan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Waxgaradka deegaanka Xeraale ayuu Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre kala hadlay sidii loo dhameyn lahaa colaad beeleedyada deegaankaas iyo deegaanada kale ku soo noq noqotay taa soo geysatay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah iyop barakaca dad badan.

Magalada Dhuusamreeb waxaa Xalay ka dhacay kulamo kala duwan,waxaana sidoo kale Maanta la filayaa in Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre uu wadahadallo la yeesho Madaxda Ahlusunna ee ku Dhuusamareeb si loo dhiso Galmudug loo dhan yahay.

Kulamada oo waqti dheer qaadan doona ayaa ugu dambeyn waxaa la filayaa in Ra’iisul Wasaaraha iyo xubnaha ahlusunna ay heshiis wada gaaraan,isla markaana ay soo saaraan warmurtiyeed ku qodobeysan yihiin waxyaabihii ay ku heshiiyeen.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa soo maray degmooyin & deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud,sida Cadaado, Dhuusamareeb, Cabudwaaq iyo deegaanada Huurshe iyo Xeraale ee Gobolka Galgaduud.