MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa waxaa la filayaa in Maanta oo tallaado ah ay gaaran Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Safarka Ra’iisul Wasaare Kheyre ee Dhuusamareeb ayaa waxaa ku wehlin doona sida uu qorshahu yahay Wasiiro ka tirsan Xukuumaddiisa, iyagoona saacadaha soo socda tegi doona halkaas.

Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in Shirka maamul goboleedyadda uu kusoo dhammaaday si wanaagsan, islamarkaana maalmaha soo socda uu furmi doono Shir kale oo ay kasoo qeyb gali doonaan Madaxda dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa dhamaantood ku sugan Magaalada Dhuusamareeb,waxaana qodobada ku jiray Warmurtiyeedkii ay soo saareen kamid ahaa in Madaxda Dowladda iyo Dowlad Goboleedyada ka tashadaan Arrimaha doorashooyinka iyo Amniga.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu ka furmo wejiga labaad ee Shirka Madaxda maamul Goboleedyada dalka iyo Madaxda dowladda Federaalka, si heshiis looga gaari Arrimaha Doorashada iyo qodobo kale oo jira.