Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay ku hoyday Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose halkaas oo uu shalay gaaray, waxaana uu ka wadaa kulamo gooni gooni ah.

Xasan Cali Kheyre ayaa xalay waxa uu kulan horudhac ah la qaatay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, iyaga oo ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin doorashada soo socota ee Agoosto la filayo inay ka dhacdo Maamulka Jubbaland.

Xubno ka mid ah Wafdiga Ra’iisul Wasaare kheyre ayaa waxaa ay la kulmeen Mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland, iyaga oo ka wada hadlay sidii loo adkeyn lahaa loona xoojin lahaa wadashaqeynta Dowladda Federalka iyo Maamul goboleedka Jubbaland.

Maamulka Jubbaland iyo Dowladda Federaalka ayaa mudooyinkii dambe waxaa ka dhaxeeyey khilaaf xoogan kaas oo gaaray meeshii ugu sareysay, hayeeshee todobaadyadii u dambeysay ayaa waxaa jirtay xoogaa isku-soo dhawaansho taas oo keentay in Kismaayo uu tago Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sidookale la filayaa in Maanta uu kulan la qaato Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ( Madoobe) kaas oo looga hadli doono dhameynta mad madowga la dhexjira Maamulka Jubaland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kheyre ayaa la filayaa in uu ka qeybgalo munaasabad lagu dhagax-dhigayo mashaariic uu Jubbaland ka fulinayo Midowga Yurub,waxaana sidoo kale Goobjoog ka noqon doonaa Xubno ka socda Dowlad Goboleedyada dalka kajira.