MUQDISHO-AYAAMAHA-Wax yar ka hor Guddoomiyaha aqalka sare Baarlamaanka federaalka soomaliya ayaa soo saaray war saxaafadeed ku saabsan xaaladaha wadanka uu marayo iyo doorashooyinka la filayo inay wadanka ka dhacaan.

Dhanka kale guddoomiye kuxigeenka labaad ee Aqalka Sare Mowliid Guhaad ayaa ku eedeeyay Guddoomiyaha Aqalka sare xadgudub ku sameeyay xeer hoosaadka Golaha, kaddib markii uu shirkii Guddiga Joogtada Aqalka Sare uu ku qabtay qadka muuqaalka ee Zoomka, halkii ay aheyd inuu shirka ku qabto Xarunta Golaha.

Sidoo kale Guddoomiye kuxigeenka labaad ayaa taageersan qorshaha Madaxtooyada gadaal ka riixeyso oo ah in fadhiyada Labada Aqal ay noqdaan kuwo wadajir u dhaca, si sharciyada horyaala Baarlamaanka ay u wada ansixiyaan hal mar.

Dhanka kale guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa ku adkeystay sidii hore sharciga u ahaa in marka Golaha Shacabka sharciga soo ansixiyo loo soo gudbiyo Aqalka Sare.

Arrintaan ayaa keeni karto khilaaf horleh iyo dib u dhac dalka uu galo hadii aan laysla fahmin qorshaha doorashooyinka ee dalka.