MUQDISHO-AYAAMAHA-Hindiya ayaa waddankeeda ka erisay kalabar ka mid ah shaqaalaha safaaradda Pakistan ay ku leedahay caasimadda dalkaas ee Delhi, kaddib markii ay ku eedeysay inay ku howlanaayeen falal basaasnimo ah iyo wadashaqeyn ay la lahaayeen argagixisada ah.

Dowladda Hindiya ayaa sidoo kale dhimi doonta shaqaalaheeda ku sugan safaaradda ay ku leedahay magaalo madaxda Pakistan ee Islamabad, sida ay shaacisay wasaaradda arrimaha dibadda.

Ma jirto jawaab ilaa hadda si deg deg ah uga soo baxday dhinaca dowladda Pakistan, oo arrintan ku saabsan.

Xiriirka u dhaxeeya labada waddan ee ku hubeysan nuclear-ka ayaa meel xun gaaray kaddib markii ay Hindiya saddex isbuuc ka hor waddankeeda ka eriday labo ka mid ah shaqaalaha safaaradda Pakistan.

Waxaa labaasi qof lagu eedeeyay inay isku dayayeen aruurinta xog ku saabsan dhaqdhaqaaqyada milatariga Hindiya.

Warbaahinta Hindiya ayaa soo tabisay in tallaabada ugu dambeysay ee ay qaadday xukuumadda Delhi ay timid markii ay soo baxeen warar sheegaya in labo shaqaale oo Hindi ah lagu waxyeelleeyay magaalada Islamabad.

Isbuucii lasoo dhaafay, dowladda Hindiya waxay dhiggeeda Pakistan ku eedeysay inay afduubatay labadaas nin, laakiin Pakistan waxay dhankeeda sheegtay in raggaas ay xireen booliska kaddib markii gaari ay wateen uu jiiray qof waddada marayay.

Faahfaahin ku saabsan tallaabada ay qaadday Hindiya

Sida uu shaaciyay wargeyska Hindustan Times, labada waddan waxay ku heshiiyeen in mid walba uu 110 shaqaale ku lahaado safaaraddiisa ku taalla dalka kale, inkastoo tirada shaqaalaha ay hadda tahay 90.

Go’aanka ay Hindiya qaadatay wuxuu ka dhigan yahay in labada waddan uu mid walba dalkiisa dib ugu ceshado 35 shaqaale, muddo hal isbuuc gudaheed ah.

“Shaqaalaha safaaradda Pakistan waxay fulinayeen howlgallo basaasnimo ah, waxayna la shaqeynayeen ururro argagixiso ah,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee Hindiya.

Waxay wasaaraddu u yeertay wakiilka Pakistan u fadhiya Hidniya, Syed Haider Shah, loogu sheego eedeymaha.

Waxaa sidoo kale loo sheegay, sida uu qoray wargeyska Hindustan Times, in Pakistan “ay handadaad ku sameysay saraakiil ka tirsan safaaradda Hindiya ee magaalada Islamabad, ayna ka hor istaagtay furlinta howlahooda diblomaasiyadeed”.

Sidey u dhacday arrinta ku saabsan shaqaalaha Hindiya?

Hindiya ayaa aamnisan in ciidamada amniga ee Pakistan ay Islamabad ku xireen labada nin kaddibna ay jir dileen islamarkaana dambi uga dhigeen shil gaari oo aan waxba ka jirin iyo lacago been abuur ah oo ay iyaga jeebabka u galiyeen.

Markii labadaas nin, oo lagu kala magacaabo Dwimu Brahms iyo Selvadhas Paul, ay Hindiya ku laabteen maalintii Isniinta ayaa la sheegay “inay sharraxaad ka bixiyeen qaabkii ay ula dhaqmeen ciidamada Pakistan”.

Booliska Pakistan ayaa dhankooda sheegay in raggaas xabsiga loo taxaabay markii ay gaarigooda jiirsiiyeen nin rayid ah iskuna dayeen inay baxsadaan. Hase yeeshee ay goor dambe sii daayeen kaddib markii ay ogaadeen inay diblomaasiyiin yihiin.

Balse wax jawaab ah kama aysan bixinin eedeynta ku saabsan in raggaas la jir dilay.

Horaantii sannadkii lasoo dhaafay ayey heerkii ugu sarreeyay gaartay xiisadda Hindiya iyo Pakistan.

Hindiya ayaa weerarro xagga cirka ah ku qaadday saldhigyo ay kooxo fallaago ah ku leeyihiin gudaha Pakistan, isbuucyo ka dib markii weerar ismiidaamin ah uu ka dhacay gobolka lagu muransan yahay ee Kashmiir, arrintaas ayaana sare u sii qaadday cabsi laga qabo inuu dagaal dhex maro waddamadan ku yaalla Koonfurta qaaradda Aasiya.

Ugu yaraan 42 askari oo ka tirsan booliska sida milatariga u tababaran ee dalka Hindiya ayaa lagu dilay qaraxa ismiidaaminta ahaa oo ay mas’uuliyaddiisa sheegteen kooxda fariisinka ku leh gudaha Pakistan ee lagu magacaabo Jayshu Muxammad.

Xasaradda kasoo cusboonaatay Hidniya iyo Pakistan ayaa timid xilli ay taagan tahay xiisad colaadeed oo u dhaxeysa Hindiya iyo Shiinaha.

15-kii bishan June ayey 20 askari oo Hindiya u dhashay ku dhinteen dagaal gacanta la isula tagay oo ka dhacay xadka u dhaxeeya labada waddan.

Lama oga khasaaraha gaaray dhinaca Shiinaha.

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi oo war soo saaray ayaa wacad ku maray in dalkiisa uu difaacan doono xadkiisa, wax kasta oo ay ku qaadato.

Dhanka kale, dowladda Shiinaha oo markii ugu horreysay maanta ka hadashay dhacdadii Isniinta, ayaa sheegtay in Hindiya ay ka careysiineyso Shiinaha, si ulakac ahna u daandaansaneyso.

Labada dal waxaa u dhaxeeya murankii ugu waqtiga dheeraa ee dhinaca xadka ah, waxayna is hor fadhiyaan ku dhawaad nus qarni.

Dwimu Brahms (R) and Selvadhas Paul sit in a car at the India-Pakistan Wagah Border Post after their release from Pakistani authorities, 22 June

 

isha:BBC