Khilaaf la sheegay inuu u dhaxeeyo madaxweynahe Farmaaajo iyo ra’iisul wasaare kheyre ayaa qabsaday baraha Bulshada, waxaana hadda kusoo biiray ka hadlida Khilaafka xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Xidhibaanada ayaa sheegay in ay been abuur ay tahay hadalka ku saabsan khilaafka u dhaxeeya madaxda ugu sareyso dalka, waxayna sheegeen in Soomaalida ay ku dheereeyaan faafinta been abuurka ah.

Xildhibaanada kahadlay waxaa ka mid ah Xildhibaan C/shakuur Cali Mire oo ah xildhibaanada baarlamaanka ee taageersan madaxweynaha dalka, waxaana uu sheegay inuusan jirin wax Khilaaf ah oo hadda taagan.

“Wax badan oo umad ahaan naga qaldamay, waxaa loo aaneeya saameynta ay bulshadeena ku leedahay faafinta beenta & xoggo aan jirin oo shacabka lagu marin habaabiyo, dacaayadu waxay noqotay awooda kaliya ee mucaaradku adeegsado. Sidaan ogahay hogaanka dalka kalsooni aan ruxmeyn baa ka dhaxeysa…” ayuu yiri Xildhibaan C/shakuur Cali Mire.

Khilaafka u dhaxeeya labadda masuul ee igu sarayso Dalka ayaa aad looga hadal hayaa baraha Bulshada, waxaana la ogeyn xaqiiqo ahaanshaha arimahaan laxiriirka khilaafka.