GAROWE-AYAAMAHA-Maleeshidaan taageersan madaxweyne kuxigeenka Dawlad goboleedka Puntland Axmed Cismaan Karaash ayaa maanta u soo jiheesteen magaalada Garoowe oo ay ka taagan tahay khilaaf u dhaxeeyo Madaxweyne Deni iyo ku-xigeenkiisa Axmed Karaash.

Maleeshiyaadkaan ayaa ka soo ambabaxay magaalada Buuhuudle ee gobolka Ceyn iyadoo ciidamo ka soo horeeyey kasoo horeeyeen kuwa kale.

Ciidamadaan ayaana ka mid ah Jamhad uu horay abaanduule ugu ahaa Sida la sheegay Axmed Cismaan Karaash oo hadda ah Kuxigeenka Siciid Deni.

Muddooyinkii dambe Xiisada Siyaasadeed oo meel culus gaartay ayaa ka taagneyd Garowe,iyadoo xitaa dhaq dhaqaaqyo ciidan la dareemay,taas oo Siciid Dani iyo Axmed Karaash.