Gaalkacyo-Ayaamaha-Khilaaf Cusub Ka soo Cusboonaaday dhisida Maamulka Gal-Mudug ka dib markii Madaxweyne Xaaf ooMagacaabay Guddiga doorashooyinka maamulka Galmudug.

Wareegto kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne Axmed Ducaale Xaaf ayaa lagu magacaabay Guddiga Doorashada oo ka kooban 11-xubnood, kuwaasi oo uu tilmaamay inay shaqeyn doonaan howlaha dhismaha Galmudug.

Madaxweyne Axmed Ducaale Gelle Xaaf ayaa ku sugan Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Guddiga uu Magacaabay Madaxweyne Xaaf ayaa waxaa ka mid ah xubno saameyn ku leh degaanada maamulka Galmudug, waxaana ay sheegeen in ay Guddoomiye ay dooran doonaan.

Guddigan Cusub ayaa la faray inay ugu dambeyn isu yimaadan 10-ka Bishan January 2020-ka, isla markaana kulankooda ugu horeeya ay ku doortan Guddoomiye iyo kuxigeenkiisa.

Axmed Ducaale Gelle Xaaf ayaa sheegay inuu ka laabtay heshiiskii uu horey ula galay dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoona ku eedeeyay dowladda inay faragelin ku heyso Doorashada maamulka Galmudug.

Guddiga ayaa horay ugu fashilmay dhowr Jadwal doorasho oo ay soo saareen, Waxaana Dhuusamareeb ku sugan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.