Khilaafka kuraasta gobolada Waqooyi oo markale sii xoogeystay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa markale sii xoogeysanaya khilaafka ka taagan kuraasta gobolada Waqooyi ee Somaliland, kadib markii ay siyaasiyiinta kasoo jeeda goboladaas ay ku kala jabeen habraacii doorasho ee kasoo baxay Golaha Wadatashiga Qaranka.

Qaar kamid ah xildhibaannada Barlamaanka Soomaaliya ee ka soo jeeda deegaannada Soomaaliland ayaa sheegay, inay raacsan yihiin habraacyada doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka, ee ay dhawaan soo saareen Golaha Wadatashiga Qaran.

Waxayna cambaarayn kala dul dhaceen siyaasiyiinta reer woqooyiga ee ka soo horjeeda habraacyada la soo saaray.

Garabka Mahdi Guuleed ayaa sheegay inay soo dhaweeyan harbaaca kasoo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka, wuxuuna sheegay inay qeyb ka yihiin tanaasulaadka doorashada, si loo gaaro doorasho.

Waxay eedeyen culus u jeediyay garabka Cabdi Xaashi, kuwaasi oo ku tilmaamay rag dano gaar ah u dagaalamaya oo aan wadin mid umadeed

Khilaafka kuraasta gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa dhowr jeer soo noq-noqday, kaasi oo aan ilaa hadda heshiis rasmi ah laga gaarin, ayada oo maalmihii u dambeeyay uu sii xoogeysanayay kadib markii ay labada dhinac ku sii kala jabeen habraacyadii ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaranka.