Dhuusamareeb-Ayaamaha-Xildhibaannada Cusub ee Dowlad goboleedka Galmudug ayaa dhageystaan khudbadaha musharixiinta u taagan qabashada xilka guddoonka Baarlamaanka Galmudug.

Musharixiinta is diiwaangeliyey ee ku tartami doona xilka guddoonka Baarlamaanka Galmudug ayaa ka kooban 7 Xubnood oo shalay isdiiwaangeliyey, iyaga oo sidoo kale gudbiyey taariikh nololeedkooda.

Musharaxiin Saddexda ah ayaa waxaa ay u taagan yihiin qabashada xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka, kuwaas oo kala ah Xildhibaan Maxamed Nuur Gacal,Xildhibaan Abdinaasir Aadan Cusmaan & Cabdullaahi Axmed Calasow.

Sidoo kale Guddoomiye kuxigeenka 1aad iyo 2aad ee Baarlamaanka Galmudug ayaa waxaa u taagan Afar Musharax oo uu kamid yihiin Faadumo Cabdi Faandhe & guddoomiye kuxigeenkii hore ee labaad Maxamed Sheekh Axmed Maalin.

Berrito ah oo Jimco ah ayaa lagu wadaa in Magaalada Dhuusamareeb lagu qabto doorashada Guddoonka Baarlamaanka Galmudug.