Baydhabo-(Ayaamaha)-Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa si weyn u dhaleeceeyay dilkii arxan darrada ahaa ee ka dhacay duleedka Dhuusamareen ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug.

Shirkii Khamiislaha ahaa ee ay Shalay ku yeesheen Magaalada Baydhabo golaha Wasiirrada ee maamulka Koofur Galbeed, ayaa laga soo saaray qodobbo ku aaddan dilka loo geysatay muwaaddiniinta ka soo jeedda degaannadaasi.

Cambaareyn iyo tacsi loo dilay eheladii ay ka baxeen Ragga la dilay ka dib, ayaa waxaa Saxaafadda la hadlay Wasiirka Warfaafinta Koofur G albeed Soomaaliya, Ugaas Xassan Cabdi Maxamed, isagoo sheegay in ay Galmudug ugu fadhiyaan in ay jawaab waafi ah ka bixiyaan Dadkii la xasuuqay.

Sidoo kale wuxuu Wasiirku sheegay in ay Galmudug ka doonayaan Magdhow Raggii sida arxan darrada ah loo laayay, isagoo ku baaqay in caddaladda la hor keeno Gacan ku dhiiglayaashii falkaa ka dambeeyay.

Laba Cisho ka hor ayaa degaanka Dhiin-waris, oo ku dhow Magaalada Dhuusa mareeb waxaa lagu dilay Afar Qof oo kasoo jeedda Koofur Galbeed Soomaaliya.

Dilka raggan ayaa waxaa ka horreeyay hanjabaado iyo ammarro la sheegay in ay soo saartay Galmudug oo lagu musaafurinayo Dadka kazoo jeeda degaannada Koofur galbeed, markii lagu eedeeyay in ay ammaanka halis ku yihiin.