MUQDISHO-AYAAMAHA-Dalka Koonfur Afrika waxaa la sheegay in ganacsade Soomaaliyeed uu u geeriyooday jir-dil ay u geysteen ciidamada booliska dalkaas, kaas oo dhaawacyo daran uu kasoo gaaray, balse markii dambe uu u dhintay.

Halka ay ciidamadu ku jir-dileen, kadibna uu ku dhintay muwaadinkaas Soomaaliyeed waa magaalada Pretoria, waxayna ugu tageen sida la sheegay goobtiisa ganacsi.

Muwaadinka Soomaaliyeed oo Magaciisa lagu soo koobay Maxamed ayaa waxaa la sheegay in xilli uu ku sugnaa Magaalada Pretoria

Mid kamid ah Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa uu sheegay in sababta loo jirdilay ay tahay in uu kamid ahaa Soomaalida aan u hoggaansamin bandowga lagu soo rogay Magaalada sababo la xiriira Cronavirus.

Isla dalka Koonfur Afrika, gaar ahaan magaalada Cape Town, waxaa goobtooda ganacsi lagu weeraray ganacsato kale oo Soomaaliyeed, kuwaas oo la bililiqeystay dukaamadoodii, halka lasoo sheegayo in iyagiina dhaawacyo loogeystay, kadib markii ay weerareen koox burcad Koonfur Afrikan ah.

Soomaalida ku nool daka Koonfur Afrika ayaa si joogtoah ula kulma dil iyo dhac joogto ah, waxaana u geysta kooxo burcad ah oo dalkaas aad ugu badan.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa aad loogu dhibaateeyaa Soomaalida ku nool,waxaana Kooxaha Burcad Koonfur Afrikanka ah ay had iyo jeer u geystaan dil iyo inay boobaan hantidooda.