Beledweyne-Ayaamaha-Dagaal khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah geystay oo u dhaxeeya Ciidamo Itoobiyaan ah iyo kuwa ka tirsan kooxda Macawiisleey ayaa  ka dhacay deegaan ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa ka dhacay deegaanka Afqurun ee duleedka degmada Farlibaax ee Gobolka Hiiraan,waxaana saraakiil Ciidan ay sheegeen inay dagaalkaas ku geeriyoodeen in ka badan 20 Ruux oo kala ah dhinacyadii dagaalamay.

Itoobiyaanka la dagaalamay Ciidamada Macawiisleyda ayaa waxaa la sheegay inay ahaayeen kuwo ka yimid dhinaca degmada Xudur oo ay kasoo gadoodeen Ciidamada kale ee ku sugan degmadaasi Xudur,kadib markii ay is khilaafeen Sarkaalkii xukumayay.

Dagaalka kadib Ciidamada Itoobiya ayaa u ruqaansaday dhinaca Xaduudka Soomaaliya iyo Itoobiya,isla markaana deegaanka ay ku hareen Ciidamada Kooxda Macawiisleey ee la dagaalamay Ciidamada Itoobiya.