Wararka naga soo gaaraya deegaanka Xaawo Cabdi ee kuyaala inta u dhaxeysa magaalada Muqdisho iyo Afgooye ayaa sheegaya in kooxo hubeesan halkaasi ku laayeen dad shacab ah oo olole nadaafadeed waday.

Kooxdan dhibaatada gaysatay ayaa la sheegayaa in rasaas xoogan ku fureen dadkan ololaha Nadaafadeed ka waday deegaanka Xaawo Cabdi gaar ahaan dhanka Laamiga , waxayna u badnaayeen haween ka shaqeynayey Nadaafada.

Weerarkan ayaa waxaa ku dhintay 8-qof oo u badnaa haween masaakiin ah, waxaa sidoo kale jira dad kale oo ku dhaawacmay weerarkan sida ay xaqiijiyeen maamulka Deegaanka Lafoole.

Masuul katiran Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in weerarkaasi dadka shacabka ah lagu laayay ay ka dambeeyeen dagaalyahanada Al Shabaab , waxa uuna sheegay in dadka la laayay ahaayeen masaakiin olole nadaafadeed waday.

Waxaa wali lama ogeyn kooxdan weerarka kadambeysay iyo cidda ay yihiin, waxaana dhacdadan dadka shacabka ah lagu laayay aad uga naxay dadka ku dhaqan deegaanka Lafoole.