Jowhar-Ayaamaha-Deegaanada Maamulka Hir-Shabeelle ayaa waxaa la sheegayaa in saarakiishii kormeerayaasha iyo ilaalinta Imtixaanka ee dowladda Soomaaliya u dirtay deegaanadaas ay guud ahaan isaga soo baxeen,kadib amarkii Madaxweynaha Maamulkaas Maxamed Cabdi Waare.

Magaalooyinka ay isaga soo baxeen ayaa waxaa kamid ah,Baladweyne,Jowhar, Balcad iyo Buulo-Burde,iyaga oo soo aaday dhinaca Magalada Muqdisho,waxaana Guddigaas Madaxweyne Waare uu ku eedeeyay inay ku fashilmeen ilaalinta Imtixaanka.

Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre uu ku dhawaaqay in la joojiyey Imtixaankii socday,ila markaana markale dib loo bilaabayo 27-ka Bishaan ayaa Madaxweyne Waare waxa uu ku amray guddiga ku sugnaa deegaanada Hir-Shabelle inay isaga baxaan.

Maxamed Cabdi Waare ayaa Sidoo kale Magacaabay Guddi ka kooban 11 xubnood,kuwaas oo ku howlan inay go’aan ka gaaraan cida qaadeysa imtixaanka deegaanda Hir-Shabeelle,balse aan la ogeyn in uu dhaqan geli doono.

Waxaa Baraha Bulshda lagu faafiyey maadooyin ka mid ah Imtixaanka ay Sanadkaan qaadeysay Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya taas oo keentay in imtixaanka la joojiyo,waxaana ka dhashay banaanbax ay dhigeen qaar ka mid ah ardaydii laga joojiyay Imtixaanka.