MUQDISHO-AYAAMAHA-Deegaanka xaawo cabdi ee duleedka magaalada Muqdisho saaka waxaa qarax haleelay gaari BL ah oo ay saarnaayeen dad shacab ah.

Inta la xaqiijiyay in 19 qofood oo shacab ah ayaa geeriyootay Qaraxa oo lala eegtay gaariga oo ay saarnaayeen dad rakaab ah

Dadka geeriyooday dhammaantood gaariga ayey saarnaayeen.

Weli majirto Masuul ka tirsan Dowladda federaalka oo ka hadlay dhacdadii maanta ka dhacday halkaas.

Isbitaal Madina ayaa xaqiijiyay in meydadka loo keenay qaarkood aan la aqoonsan karin.

Allah u naxariisto.