Muqdisho-Ayaamaha-Ciidanka Kumaandooska Danab ee ka tirsan Xoogga Dalka ayaa shalay la wareegay Deegaanka Toora Toorow, ka dib markii ay isaga baxeen maleeshiyada Al-Shabaab.

Ciidanka Danab oo hawlgal baaritaan ahaa ka sameeyay qaybaha kala duwan ee Toora Toorow ayaa waxay gacanta ku soo dhigeen toban ka mid ah maleeshiyada Al-Shabaab, kuwaa oo Garsoore Maxkamadeed uu ku jiro.

Ismaaciil Cabdimaalik Maalin oo ah Taliyaha Guutada 16aad ee Ciidanka Kumaandooska Danab, ayaa xaqiijiyay inay gacanta ku dhigeen toban nin oo ka tirsan Al-Shabaab, uuna ku jiro Gudoomiyihii Maxkamadda Al Shabaab ee Gobolka Shabellaha Hoose, Macalin Abuukar.

“Ciidamada waxay ku guuleysteen inay gacanta ku soo dhigaan toban ka tirsan maleeshiyada argagixisada, oo uu ka mid yahay Horjoogihii Maxkamadda Gobolka Shabellaha Hoose, Macalin Abuukar.” Ayuu yiri Taliyaha.

Taliyaha ayaa xusay in Toora Toorow ay ku taalay maxkamaddii ugu weyneyd Al-Shabaab ee Gobolka Shabellaha Hoose, taasoo sida uu sheegay lagu baadi jiray shacabka Soomaaliyeed, iyadoo looga qaadi jiray buu yiri lacago baad ah.