Muqdisho-Ayaamaha-Taliyaha ciidanka lugta ee  ciidanka xoogga dalka S/guuto C/xamiid Maxamed (dirir) ayaa maanta deegaanka Afbarwaaqo kulan kula qaatay Odayaasha iyo Waxgaradka halkaas oo uu taliyihu u tagay sidii uu qeyb uga qaadan lahaa in lajoojiyo dagaal beeleedyo ka socda qeybo kamid ah gobolka Mudug.

Wafdigaan uu taliyaha horkacayo ayaa shalay galinkii hore gaaray magaalada Gaalkacyo iyadoo u jeedku yahay sidii xal looga gaari lahaa dagaalka deegaanada Afbarwaaqo iyo Towfiiq.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa qorshahooda waxaa kamid ah in marka hore lakala qaado Maleeshiyaadka dagaalamaya kadibna labilaabo wadahadalo u dhaxeeya labada dhinac.

Odayaasha gobolka Mudug ayaa dhankooda ku baaqay in dagaalka lajoojiyo waliba sidhab ah arrintaas oo muhiim u ah dadka deegaanka.