MUQDISHO-AYAAMAHA-Hoyga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ahna guddoomiyaha xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka (UPD) waxaa kulan uga socdaa mas’uuliyiin ka tirsan Madasha Xisbiyada Qaran iyo guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi.

Kulanka ayey mas’uuliyiintan uga arinsanayaan xaaladda guud ee siyaasadda dalka ayagoo diiradda ku saaraya xal u helida arimaha doorashooyinka ee 2020-2021.

Marka la gaaro xilliyada kala-guur ah oo ay soo dhaw yihiin arrimaha la xiriira doorashooyinka ayaa waxaa dalka ka bilaawda kulamo iyo is xulafeysi siyaasadeed.

Guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa aad uga soo hoorjeeda siyaasada villa somalia, waxaa joogsaday howlihii aqalka sare kadib markii labo garab ay ukala jabeen oo qarna ay la safteen madaxtooyada.