MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiiro, Xildhibaanno ka tirsan dowlada Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka qeyb galay kulan Isboorti oo loogu duceynayay Allaha u naxariisto marxuum Eng Cabadiraxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) oo sanad ka hor u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qarax ka dhacay xarunta dowladda Hoose ee Xamar.

Kulanka oo ahaa mid isboorti isla markaana lagu xasuusanayay Marxuum Eng Yariisow ayaa waxaa u soo daawasho tegay dadweyne aad u fara badan oo ka kala yimid xaafadaha kala duwan ee Gobolka Banaadir.