MUQDISHO-AYAAMAHA-Maanta mar kale ayaa hoggaanka Madasha Xisbiyada qaran waxaa ay kulan la qaateen Guddoonka Golaha Shacabka oo ay ka socdeen Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo kuxigeenkiisa 1aad Cabduweli Sheekh Ibraahim Muudeey.

Kulanka ayaa waxaa layska wareystay waxa ka qabsoomay ballamihii lagu kala qaatay kulankii u dambeeyey ee dhexmaray labada dhinac.

War kasoo baxay Madasha Xisbiyada ayaa lagu sheegay indedaal badan ku bixinayaan soo celinta wadashaqeyntii u dhexeysay labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Xassan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii sideedaad ee dalka kana mid ah hoggaanka Madasha Xisbiyada qaran ayaa intii uu kulanku socday ka warbixiyey kulan uu shalay la qaatay Guddoonka Aqalka Sare kaas oo qeyb ka ahaa dedaallada Madasha ee isku keenidda labada Aqalka ee Baarlamaanka.

Kulanka ayaa lagu go’aamiyey in la sii wado watashiyada lagu raadinayo isfaham la dhexdhigo guddoonka labada Aqalka ee Baarlamaanka oo khilaaf uu ka dhaxeeyo.