Muqrisho-(Ayaamaha)-Warar lagu kalsoonaan karo oo goordhow la helay ayaa sheegaya in kulan xasaasi ah uu Madaxtooyada Soomaaliya uga socda Madaxweyne Maxamed Cabdullaali Farmaajo  iyo Madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Kulankaan ayaa ah mid looga hadlayo  xaaladda dalka, waxaana warar hoose oo aanu helayno ay sheegayaan in madaxweyne Farmaajo uu ka codsaday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif in la yareeyo dhaliilaha uu u jeedinayo dowladda, isla markaa khudbadihiisa uu ku garab istaago dowladnimada.

Sheekh Shariif Madaxweynihii dowladdii KMG aheyd ahna hogaamiyaha Xisbiga Hilimo Qaran ayaa gelinka dambe ee Maanta waxa uu isku imaatin uu ku qabanlahaa mid ka mid ah Hoteelada ku yaalla Muqdisho, kaas oo uu Cinwaankiisu yahay doorka dhalinyarada iyo dowladnimada,Madaxweyne Farmaajo ayaana ka dalbaday Sheekh Shariif in Muxaadaradaas ay noqoto mid loogu hiiliyo dowladda uu Madaxweynaha ka yahay.

Shalay ayay aheyd markii Magaalada Muqdisho lagu qabtay Xaflad lagu daah-furayay Xisbiga uu hogaamiyo Sheekh Shariif ee Imilo Qaran,kaasi oo ay ka qeyb galeen,Mas’uuliyiin kala duwan oo ay kamid ahaayeen Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari,iaygoona si kulul si kulul loogu dhaliilay dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

Lama oga waxa uu kulankaan ka bedeli doono khubdaha loogu talagalay in Sheekh Shariif uu Ujeediyo dhalinyarada lagu casuumay kulanka Cinwaankiisuna yahay Dhalinyarada iyo doorka ay ku leeyihiin dowladnimada.