Muqdisho-(Ayaamaha)-Waxaa goordhow furmay kulanka baarlamaanka oo maanta muddo saacad ah u xayirnaa kooram la’aan, balse waxaa xildhibaanada ay ku xaadireen kadib markii muddo saacad ah loogu daray.

Waxaa xarunta golaha shacabka tagay Labadii wasiir ee loo yeeray iyo taliyaasha ciidamada Booliska, metelariga iyo asluubta , waxaana xildhibaanada laga filayaa inay la xisaabtamaan.

Xubnahaan ayaa wax laga weydiinayaa amaanka dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho, waxaana furmay kulanka oo muddooyinkii ugu dambeeyay la sugayay.

Labada wasiir ee kala ah wasiirka amniga iyo wasiirka Gaashaandhiga xukuumadda ayaa ku sugan hoolka, waxaana dhinac fadhiya taliyaasha ciidamada, waxaana kulanka maanta ka maqan guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Fahad Yaasiin agaasimaha NISA.

Fahad Yaasiin ayaa ka mid ah wafdiga ra’iisul wasaaraha ee u duulay dalka Mareykanka, balse guddoomiye Yariisow ayaa ku sugan magaalada Muqdisho iyadoo aan la ogeyn sababta uu kaga maqan yahay kulanka maanta.