Muqdisho-(Ayamaha)-Magaalada Muqdisho Waxaa maanta markii ugu horeysay xildhibaanada hortagaya qaar kamid ah xubaha golaha wasiirada, taliyaasha ciidamada amniga iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Xubnaha maanta hortagaya xildhibaanada golaha shacabka ayaa wax laga weydiinayaa xaaladaha amaanka magaalada Muqdisho oo maalmihii ugu dambeeyay qaraxyo ay ka dhacayeen.

Waxaa sidoo kale laga wareysan doonaa qorshaha dhanka amaanka ah ee kaga degsan xernaanshaha badan ee waddooyinka magaalada Muqdisho, iyadoo wali ay dhacayaan qaraxyada ay Al Shabaab geysanayaan.

Xubnaha maanta hortagaya baarlamaanka ayaa waxaa ay kala yihiin, Wasiirka amniga, wasiirka gaashaandhiga , taliyaasha ciidamada booliska, Nabad sugidda iyo ciidanka xooga dalka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.
Xildhibaano badan ayaa dood adag ka keenay amaanka magaalada Muqdisho, waxaana ay dalbadeen in baarlamaanka ay horyimaadaan wasiirada iyo guddoonka gobolka Banaadir.

Waxaa shaki badan laga muujinaya in uu maanta dhici karo kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka oo looga hadlaayo Xaaladda Ammaanka dalka, islamarkaana ay hortagi doonaan Hay’addaha Ammaanka.