MUQDISHO-AYAAMAHA-Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka ayaa maanta yeelanaya kulankoodii ugu horreeyey ee kalfadhiga 7-aad, kaas oo Sabtidii la soo dhaafay uu daah-furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Kulanka oo ah mid xasaasi ah ayaa ajandihiisa koowaad wuxuu yahay sharciga xisbiyada siyaasadda oo xildhibaanadu ay marin doonaan akhrintiisa koowaad.

Ajandaha labaad ayaa ah soo bandhigida iyo ansaxinta xubin cusub oo ku soo biireysa guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka,

Xil-heynta Baarlamaanka ee Dastuurka ugu qoran waxaa uga dhiman 3-bilood oo kaliya, waxaana laga sugayaa in muddadaas kahor ay meel u ridaan Doorashada dalka ee 2020/2021-ka.

Qodobo ay ugu weyn tahay Doorashada ayaa looga fadhigaa sida Guddoonka Baarlamaanka ay ka sheegeen furitaanka Kalfadhigoodii ugu dambeeyay ee 7-aad Muddada xil heyntooda 4-ta sano ah.

27-ka Bishaan waxaa Golaha hortagaya Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Dalka si ay ula wadaagaan Warbixinta ugu dambeyso ee Doorashada, maadaama Madaxweynaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iclaamiyay in dalka ay ka qabsoomeyso Doorasho.