Muqdisho-(Ayaamaha)-Nuur Iidow Beyle oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa sheegay in saraakiisha laamaha amniga dowladda ay codsadeen in Warbaahintu ay dibad joog ka ahaato kulanka Baarlamaanka inta laga hadlayo arrimaha ammaanka Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Xildhibaanka ayaa waxa uu sheegay in xeer hoosaadka Golaha Shacabka u ogolaanayo hay’adaha amniga soo jeedintooda in cod la galiyo.

Beri oo Isniin ah ayaa mar kale loo ballan sanahay ka doodida arrimaha amniga, si ay Xildhibaanadu su’aalo uga weydiiyaan laamaha amniga Soomaaliya.

Shalay ayey aheyd markii uu natiijo la’aan uu ku soo dhamaaday kulankii saddexaad ee Kalfadhiga shanaad Golaha Shacabka, kaas oo ay goob joog ahayeen wasiirada amniga, gaashaandhigga, taliyeyaasha Booliska, Asluubta,iyo xoogga Soomaaliyeed