Muqdisho-Ayaamaha-Baarlamaanka soomaaliya ayaa maanta waxaa ay kulan ku leeyihiin Xaruntooda Magaalada Muqdisho.

Xarunta Golaha Shacabka ayaa waxaa goordhow ka furmay Kulankii caadiga ahaa ee Xildhibaanada  Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaas oo todobaadkii la qabto saddex jeer.

Kulanka ayaa ah kii 22-aad ee kalfadhiga 5-aad, waxaana uu ku furmay 144 Xildhibaan, iyada oo uu shir guddoominayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Ajendaha kulanka Maanta ayaa waxa uu yahay u codeynta hindise sharciyeedka dhismaha guddiyada la dagaalanka musuq maasuqa.

Haatan waxaa socota dooda ay Xildhibaanada ka yeelanayaan Ajandaha Maanta si ay ugu codeeyaan una diidaan ama u ansixiyaan.