Muqdisho-(Ayaamaha)-Guddiga joogtada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa yeeshay Kulankii sedexaad waxaana shir guddoominayay Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Kulanka ayaa waxaa kasoo qeyb galay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee golaha shacabka Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey, Habdhowraha golaha iyo xoghayaha guud ee golaha shacabk Soomaaliya.

Xubnaha gudiga joogtada ah Golaha shacabka ayaa kulankooda waxaa ay uga hadleen dejinta Ajendayaasha Kulamada soo socda ee kal-fadhigan 5aad golaha iyo shuruucda muhiimka ah ee golaha.

Xoghayaha guud ee golaha shacabka oo kulanka markii uu soo  gaba gaboobay ka hadlay ayaa sheegay in xubnaha Guddiga joogtada ah ay aad uga hadleen sidoo kalena ay falanqeeyeen dejinta iyo u diyaar garowga sidii loo dejin lahaa Ajendayaasha Kulamada la filayo in fadhigan ay u qabsoomaan golaha.

Sidoo kale xog-hayaha ayaa sheegay in xoogga la saarayo ilaalinta waqtiga kulamada Barlamaanka taasi oo si aad ah loo adkeyn Doono maadaama labo Kulan oo kal-fafhigan 5aad ay u baaqdeen kooram la’aan Xillibaanadda ah si loo dardar geliyo hawlaha sharci dejineed ee golaha shacabka.