MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddiyada Joogtada labada Aqal ee Baarlamanka Federalka Federaalka Soomaliya ayaa goordhow ka furmay Xarunta Golaha Iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa isla maarkaana ay Shir Guddoominayaan Guddoonka Labada Aqal.

Kulanka ayaa looga hadlayaa Xilliga Rasmiga ee la furayo Baarlamaanka Soomaliya iyo xilliga loo yeerayo Guddiga Madax-banaan ee Doorashooyinka Qaranka si loogu dhageysto Warbixinta Doorashooyinka Dalka.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee doorashooyinka Qaran Xaliima Yareey ayaa waxaa lagu waday in 27-ka bishan May ay hor-tagto Baarlamaanka,hayeeshee la sheegay in uu dib-udhac ku yimid.

Guddoomiye Xaliimo yareey ayaa waxaa laga sugayaa go’aano culus oo ay kamid yihiin inay iclaamiso in doorashooyinka waqtigooda ku dhacaan taas oo keeni karta culeys ay kala kulanto Madaxda ugu sareysa dowladda Federaalka.

Wararka soo baxaya ayaa waxaa ay sheegee in Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee doorashooyinka Qaran ay horaanta Bisha June ay hortagto Baarlamaanka,sida ay sheegeen Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka.