MUQDISHO-AYAAMAHA-Kulamada Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maalintii Saddexaad oo xiriir ah yeelana isbuucaan gudihiisa.

Kulan maanta ee Xarunta Villa Hargeysa ku yeelanayaan xildhibaanada ayaa xasaasi  ah waana mid ka duwan kulamadii hore.

Kulanka ayaa xildhibaanadda ayaa maanta waxaa kaga doodi doonaan Xeerka Matalaada Gobolka Banaadir iyo Xeerka kuraasta Goboladda Waqooyi,kaas oo ay Baarlamaanka u soo gudbiyeen Guddiga loo xilsaaray soo diyaarinta Xeerarka doorashooyinka.

Matalaada Gobolka Baandir iyo in Muqdisho ay yeelato maqaam goon ah ayaa dood badan ka dhex dhalisay siyaasiyiinta iyo Madaxda dowladda.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa xalay lagu wargeliyay in Maanta uu kulanka jiro,isla markaana xeerarka ay ka doodayaan ay yihiin kuwo xasaasi ah oo dood adag dhalin doona.

labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa Xildhibaannada Golaha Shacabka waxaa ay ka doodayeen Xeerka qoondada haweenka oo ah in Haweenka kuraastooda ay kaligood ku tartamaan,waxaana Xildhibaannada ay xeerkaas ku ansixiyeen Cod aqlabiyad leh.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa furitaankii kal-fadhiga 7aad ee Baarlamaanka labada aqal waxaa uu Xildhibaannada ka codsaday inay ka aqbalaan in Gobolka Banaadir uu matalaad ku yeesho Aqalka sare.