Muqdisho-(Ayaamaha)-Maanta ayaa waxaa mar kale la baajiyay kulanka Xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliya la filayay in ay yeeshaan , kadib markii Gudoonka Golaha shacabka ka cabsadeen in kulanka uu buuq hareeyo ama kooramka buuxsami waayo.

Gudoomiye Mursal ayaa Xildhibaanada xalay xili dambe u diray fariin loogu sheegayay in kulanka maanta uu baaqday, mana sheegin gudoonka sababta ay maanta u baajiyeen kulanka la filayay in ay yeeshaan Xildhibaanada golaha shacabka.

Wararkale ayaa sheegaya in Gudoonka golaha shacabka oo cadaadis kala kulmaya Xukuumada ayaa diiday in ajandaha kulanka kusoo daraan amaanka , waxa ayna Gudoonka wali ku adkeesanayaan ajandaha in uu yahay kii hore loo shaaciyay sabtidii lasoo dhaafay.

Intabadan Xildhibaanada ayaa waxay doonayan in ajandaha kulanka  laga dhigo arimaha amaanka, hasa ahaatee waxaa taasi kasoo horjeeda Xildhibaanada Xukuumada taageersan oo kulankii hore kulanka aan imaan si kulanka uusan u furmin.

Waa kulankii labaad ee uu Todobaad gudihiis baaqdo tan iyo markii uu furmay kal-fadhiga 5aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.