Muqdisho-(Ayaamaha)-Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta la filayay in ay kulan ku yeesheen Magaalada Muqdisho, iyadoona kulankooda uu baaqday.

Wali sii rasmii ah loma ogaa sababta keentay baaqashaday kulanka baarlamaanka Somalia hase ahaate ila xog ogaal ah ayaa sheegay ay baaqashada ay usababtahay guddoonka baarlamaanka Somalia oo wada dadaalo lagu doonayo in lagu xaliyo buuqii sabtida ka dhacay barlamaanka Soomaaliya.

Maalin ka hor ayay aheyd markii kulanka golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya uu Buuq iyo fowdo ku soo dhamaaday, kadib markii xildhibaanada ay ku murmeen in warbaahinta dibada loo saaro si looga dooda Amniga dalka, inkastoo arintaasi ay keentay in guud ahaan kulanka uu baaqdo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal sheekh Cabdiraxmaan ayaa xilligaan wada kulamo gooni gooni ah oo xal looga gaarayo murankii iyo buuqii ka dhashay ajandaha amniga ku saabsan ee kulanka Baarlamaanka.

Waxaa sidoo kale wararku ay sheegayaan in Guddiga joogtada Golaha Shacabka ay ka shiri doonaan sida laga yeelayo kulamada Baarlamaanka Soomaaliya.