Muqdisho-(Ayaamaha)-Maanta oo Sabti ah waxaa la filayay in kulanka xildhibaanada baarlamaanka uu ka furmo magaalada Muqdisho, kaasi oo ajandahiisa koowaad lagu sheegay inuu ahaa dhageysiga warbixin ay soo jeedin lahaayeen guddiga dib u eegista Dastuurka.

War hada naga soo gaaray xarunta golaha shacabka ayaa sheegay inuu baaqday kulankii maanta lagu balansanaa in xildhibaanada baarlamaanka ay yeeshaan.

Gddoonka baarlamaanka ayaa u sheegay xildhibaanada in kooram la’aan uu u baaqday kulanka maanta la filayay inuu ka furmo xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Wararku waxaa ay sheegayan in xildhibaanada ugu badan ee wasiirada ah inay ka maqnaayeen xarunta golaha shacabka.