Laamaha Amniga Jubbaland Oo Howlgal Culus Saaka Ka Wada Kismaayo

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ciidamada Booliska Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa xalay ilaa saaka waxaa ay magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ka wadaan howlgallo kala duwan, kadib markii qarax loogu xiray agarigiisa lagu dilay Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Jubbaland.

Ciidamada ayaa wararka Kismaayo aana ka heleyno waxaa ay sheegayaan in howlgallada ka wadaan xaafadaha ku dhow dhow Hoyga Xildhibaanka qaraxa lagu dilay, iyaga oo hwolgalka ku baadi goobaya dadkii qaraxa gaariga Xildhibaanka ku xiray.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Gobalka Jubada Hoose Gaashaanle Sare Maxamed Naasir Guuleed ayaa sheegay in Ciidamada Booliska ay wadaan howlgalka ay ku baadi goobayan dadkii ka dambeeyay qaraxaas.

Taliyaha oo la hadlay Voa waxaa uu sheegay in howlgalka uusan joogsan doonin ilaa iyo inta Ciidamada ay gacanta uga soo dhigayaan dadkii ka dambeeyay qaraxa Gaariga loogu xiray Xildhibaanka.

Waa qarixii ugu horreeyay ee ka dhaca Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hosoe sanadkan 2021, iyada oo laamaha amniga magaalada Kismaayo maalmihii la soo dhaafay ay howlgallo ka wadeen magaalada Ksimaayo.