Laamaha Amniga Oo Magaalada Muqdisho OO Gacanta Ku Dhigay Burcad Hubeysan

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddoomiye ku-xigeenka Amniga Yaaqshiid Cabdifitaax oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in laamaha amniga iyo kuwa maamulka howlgal ay sameeyeen kusoo qabteen dhowr iyo tan rag burcad ah oo dadka dhac u geysan jiray.

Guddoomiye ku-xigeenka ayaa tilmaamay in burcada lasoo qabtay ay dad kasoo dhaceen Teleefoono gacanta, Mooto Bajaajyo iyo baabuur, isla markaana ay ku jiraan qaarkood burcada kuwo gudaha degmada ku dhex isticmaalayay maandooriyaha xashiishka iyo khamri.

Waxaa uu intaas kusii daray in shraciga la horgeyn doono burcada dadka ku dhici jiray degmada Yaaqshiid iyo degmooyin kale oo ka tirsan Gobolka Banaadir, wuxuuna Carabka ku dhiftay in marnaba aan loo dulqaadan doonin in la dhibaateeyo shacabka.

Degmooyinka Gobolka Banaadir qaarkood ayaa waxaa todobaadyadii ugu dambeeyay dadka kunool ay ka cabanayeen burcad hubeysan oo xiliyada habeenkii dadka dhac u geysta, isla markaana ka qaata teleefanada gacanta iyo waxyaabaha kale ee xiligaas wataan.