Muqdisho-Ayaamaha-Qof walba oo ku safray qadka tareennada dhulka hoostiisa ah ee London wuu yaqaannaa kuwan – waa jiirka yar ee madow, oo ka soo baxa qeybaha hoose.

Sam Rowley wuxuu aad u daneynayay inuu sawir cajiib ah halkan ka helo, muddo hal isbuuc ah ayuuna ku qaatay isagoo isku dayaya inuu sawirkaas ka qaado labada jiir.

Habeen habeennada ka mid ah, wuxuu qabtay sawir muujinaya iyagoo si dhab ah ugu dagaallamaya raashin uu iska tuuray qof rakaab ahaa.

Sawirkaas wuxuu horseeday in Sam uu ku guuleystay abaalmarinta sawirrada xayawaannada ee sannadka, taas oo ay bixiso LUMIX People’s Choice.

Taageerayaasha barnaamijkan abaalmarinta ah ayaa laga codsaday inay soo qiimeeyaan sawirradii la soo xulay bishii October, laakiin kuwo kale oo cusubna way jireen.

Dad gaaraya 28,000 oo ruux ayaa u codeeyay sawirka, iyagoo muujiyay in ay aad u jecleysteen dagaalka labada jiir.

Habeen saq dhexe ah ayuu ku gaaray isagoo caloosha dhulka ku nabaya, si uu u helo sawirka ugu quruxda badan.

Wuxuu sawirka si fiican usoo baxay ka dib markii ay labada jiir isku qabsadeen cuntadii u dhaxeysay. Markii ugu horreysay waxay xoogaa yar ku murmeen midka hor cunaya, kaddibna way kala dhaqaaqeen.

“Mar walba waan qaadaa sawirro cajiib ah, kanna nasiib ayaan u yeeshay, laakiin shan habeen ayey igu qaadatay inaan helo, dabcanna way ii qorneyd inaan ugu dambeyn ku guuleysto”, ayuu yiri Sam.

Sawir-qaadahan oo reer London ah wuxuu hadda ku sugan yahay magaalada Bristol, halkaas oo uu kaga qeyb qaadanayo cilmibaaris ay BBC-da ku sameyneyso taariikhda dabiiciga ah.

Sam wuxuu sheegay in sawiri ka qaadidda xayawaannada uu aad u jecel yahay. Wuxuu aaminsan yahay in dadku ay xiriir la leeyihiin xayawaannada, marka ay magaalooyinka joogaan, sababtoo ah xayawaannadan way nala nool yihiin.