DH/MAREEB-AYAAMAHA-Shirka Madaxda Maamul Goboleedyada uga furmay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug ayaa laysku waafaqay labad qodob oo quseeya Doorashooyinka Soomaalida, halka Qodob kale ay dood culus ka taagan tahay.

1:-Qodobka koowaad ayaa laysku raacay in aan la aqbali doonin dib u dhac ku yimaada Doorashada dalka iyo muddo kordhin loo sameeyo dowladda Madaxweyne Farmaajo.

2:-Qodobka labaad ayaa isna ah in Wada-tashi laga galo qaabka ay noqoneyso Doorashada la qabanayo ee lagu bedelayo QOF IYO COD-ka aysan suuragal ahayn in xilliga ka harsan muddo-xilkeedka dowladda la qabto.

3:- Qodobka seddexaad ee aadka u adag ayaa ah in Guddiga Doorashooyinka Qaran ee ay hoggaamiso Xaliimo Yarey meesha laga saaro, lana dhiso guddi cusub oo heer Federaal iyo heer dowlad Goboleed ah, kuwaasoo qabanqaabiya Doorashada soo socota.

Afarta Madaxweyne ee Galmudug, Jubbaland, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed ayaan weli go’aan ka gaarin arrinta Guddiga Doorashooyinka ee Xaliimo Yarey, waxaana Madaxweynaha Puntland u dhow madaxweynayaasha Jubbaland iyo K/Galbeed oo taageersan inaan Doorasho lagu aamini karin Guddigaasi.

Shirka ayaa hadda u gudbay wada-tashiyo kala gaara iyo kulamo guud oo looga doodayo Arrinta Doorashada Dalka, waxaana lagu wadaa inuu socdo dhowr maalmood.