Xog gaar ah an helnay ayaa waxay sheegaysaa in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo dhigiisa dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa lagu wadaa in ay ku kulmaan magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda si ay uga wada-hadlaan isku dayga Kenya ee boobka Badda Soomaaliya.

Sidoo kale Labada hogaamiye ayaa lafilayaa in  ka qayb-galaya furitaanka Shirka, Africa Now Conference oo lagu wado in la qabto 12-ka bishaan waxaana marti gelin doonto dowladda Uganda.

Warbaahinta dalka Uganda ayaa qoreysa in Madaxweynaha Soomaaliya uu xaqjiiyey in uu ka soo qeyb geli doono Shirweynahaasi oo uu marti-gelinayo Madaxweynaha Uganda, Yoweeri Museveni.

Madaxweyne-ku-xigeenka dalka Tanzania, Saamiya Xasan Suluhu ayaa kamid ah dadka ka qayb-galaya Shirkaasi. Sidoo kale Madaxda lagu casuumay Shirweynahaasi waxaa ka mid ah  Madaxweynayaasha dalalka Masar, Rwanda, Koonfuer Afrika iyo Kenya, inkastoo aysan weli xaqiijinin inay ka soo qeyb geli doonaan.