Lafta-Gareen oo cadaadis ku haaya siyaayaasiyiinta iyo xildhibaanada Koofur Galbeed

BAYDHABO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Koofur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo mudo xileedkiisa 4 sano ku egyahay December 2022 ayaa lagu eedeeyay in uu cadaadis ku haaya siyaayaasiyiinta ka arragtida duwan maamulkiisa.

Siyaasiyiinta deegaan ayaa ku waramay, in wixii ka dambeeyey markii hoggaanka dalka looga guuleystay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Laftagareen xoojiyay in xildhibaanada diidan siyaasadiisa uu ka goostay mushaarka kana masaafuriyay Baydhabo.

Xildhibaan Axlaan Cumar oo isniintii warbaahinta kula hadashay Muqdisho ayaa sheegtay in mushaarkii laga jartay, sidoo kalena loo hanjabay.

Xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegtay in loogu hanjabay in xasaanadda xildhibaanimo laga qaadi doono, hadii aysan joojin hadallada uu dhibsanayo hoggaamiyaha maamulkaas.

Waxay intaas ku sii dartay in si gooni ah loo baacsado xildhibaanada iyo qof kasta oo isku daya inuu ka hadlo dhibaatada amni ee ka jirta deegaanada maamulkaas.

Xildhibaan Axlaan waxay codsatay in Koonfur Galbeed la badbaadiyo oo loo sameeyo hoggaan ka saari kara go’doona ay dhowr iyo tobanka sano ku jirto.

Sidoo kale Xildhibaan Cabdulqaadir Jookar ayaa shirkaan jaraa’id ku soo bandhigay caburin iyo tacadiyo ay ka tirsanayaan hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen, isagoo sheegay in Madaxweynuhu uu si cad u diiday in sharciga lagu dhaqmo, isla markaana xukuumadiisa lala xisaabtamo.

Maamulka ka jira Koonfur-Galbeed (KG) wuxuu December 18, 2018 ku yimid doorasho aan hufnayn, kacdoon dhiig ku daatay ayaa ka dhashay markii la xiray Sheekh Muqtaar Roobow, hogaamiye ku xigeenkii Al Shabaab oo ka mid ahaa musharixiinta madaxweynaha KGS..