Lafta Gareen oo Lagu Cadaadinayo in uu Aqbalo Shirki Rooble Iclaamiye.

Abdiaziz Hassan Mohamed Lafta-Gareen, the President of the South West State of Somalia addresses newly recruited South West State Police personnel during a passing out ceremony to mark the completion of a training in Mogadishu, Somalia on 29 December 2019. AMISOM Photo / Ilyas Ahmed

BAYDHABO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Koonfur Galbeed C/casiis Maxamed Xasan (Lafta-gareen) ayaa cadaadis lagu saaray inuu ka qeyb galo shirka Golaha Wadatashiga ee uu ku baaqay Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Wakiilada Beesha Caalamka oo xiriiro la sameeyay Lafta-gareen ayaa ka dalbaday inuu tago Muqdisho, kana qeyb galo shirka Golaha Wadatashiga ee Ra’iisal wasaaraha, iyadoo uu hore Lafta-gareen u qaadacay shirkaasi, isla markaana uu shaaciyey inuu kaqeyb galayo shirka uu ku baaqay Farmaajo.

Cadaadiska Beesha Caalamka saartay Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa la filayaa inuu aqbalo, iyadoo sidoo kale Mareykanka uu Farmaajo ka dalbaday inuu taageero Ra’iisal wasaaraha iyo shirka uu hoggaaminayo ee Golaha Wadatashiga.