Muqdisho-(Ayaamaha)-Madaxweynaha maamul Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya, C/casiis Maxamed Xasan(Laftagareen) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta gaaray Magaalada Diin-soor ee Gobolka Baay.

Lafta- gareen iyo xubnaha la socda ayaa waxaa halkaasi si weyn ugu soo dhoweeyay mas’uuliyiinta Degmada, Saraakiisha Ciidamada kala duwan ee halkaasi ku sugan iyo Dad weyne fara badan, isagoo kulamo kala duwan la qaadan doono maamulka iyo wax garadka Diin-soor.

Madaxweyne C/casiis Maxamed Xasan (Laftagareen) ayaa isla Maanta wuxuu Xarigga ka jaray mashaariic horumarineed oo laga hirgeliayay Degmadasi sida Garoon Diyaaradeed iyo xarumo kale oo loogu talagalay in loogu adeego Bulshada ku dhaqan Magaalada Diin-soor iyo nawaaxigeeda.